U bood dhigaalka

Muxuu Yahay Markabka Mareykanka ee Soo Gaaray Galbeedka Afrika iyo Walaaca Saameynta Ruushka?

Mareykanka ayaa markabkii ugu weynaa oo dagaal u soo diray Afrika si ay u kaabaan taliskiisa Africom, inta uusan la kulmin xasarodo amni, xilli uu gaaray qeybo kamid ah Galbeedka Afrika, Markabka USS Hershel “Woody” Williams ayaa yimid qaaradda xilli uu xirtay dekad ku taalla Gaaboon oo la afgambiyay.

Markabkaan ayaa u jeedka safarkiisa Afrika lagu sheegay xoojinta iyo iskaashiga amni ee Afrika ay wada leeyihiin Mareykanka, xilli muddooyinkii dambe Galbeedka ay u sii xoogeysanaysay awoodda Ruusha oo Mareykanku u arko qatarro amni oo qarankiisa soo food saaray, taas oo keentay xasaradda u dhaxeysa.

Dalalka Afrika ayaa muddooyinkii dambe ku siyaasad ahaa Mareykanka oo fagaarayaasha caalamiga ay ka taageerayeen danihiisa gaarka ah, laakiin waxaa uu muuqata in dhowr dal oo Galbeed iyo Waqooyi iney u xuubsiibanayaan dhinaca Ruushka oo muujiyay awooddiisa qaaradda isagoo kaashanaya dalka China.

Qubarrada siyaasadda Mareykanka ayaa sheegaya in haddii Ruushka uu awood ku yeesho Afrika ay taas aad u wiiqi karta saameyntii Mareykanku u uku lahaa qaaradda, taas oo hoos u dhigi karta dadaallada ah diblomaasiyadda iyo tallaabooyinka Milatari, Washinton ayaa lumisay dalal badan oo Afrikada Galbeeda.

Mareykanka ayaa hadda u muuqda inuu awooddiisa isugu geynayo wadamada Bariga Afrika, xilli William Ruto oo matalaya dalalka bariga Afrika uu booqasho taariikhi ah ku tagay Washinton, taas oo aan la siinin hoggaamiye Afrikan ah oo ka dambeeyay madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela.

Dowladaha Barika Afrika ayaa markaan u muuqda iney la dhacsan yihiin Mareykanka oo ka taageera sidii ay hormarin lahaaayeen dhaqaalahooda iyo dagaalka kooxa Argigixisada, isagoo ka digtoon inuu fursad u siiyo Ruushka inuu saameeyo dalalkaan ooh adda gacanta ugu jira dowladda Mareykanka siyaaso ahaan.