U bood dhigaalka

Shiinaha oo Dhoolatus Milatari Ka Sameeyay Badda Taiwan

Sida ay baahisay warbaahinta CCTV7 oo ah kanaalka rasmiga ah ee telefishanka Shiinaha u qaabilsan wararka militariga ciidamada Shiinaha ay si guul ah u soo gabagabeeyeen dhoolatuska ballaaran oo ay ka wadeen agagaarka badda Taiwan.

Dhaqdhaqaaqan militari ayaa dhacay saddex maalmood ka dib markii la caleemasaaray madaxweynaha cusub ee jasiiradda Taiwan Lai Ching-ti oo uu Shiinuhu uu ku tilmaamay gooni-goosad halis ah.

Xukuumadda Beijing ayaa sheegtay in dhoolatuskan oo ah kii ugu weyn ee ay muddooyinkaan ciidankeedu sameeyaani uu isugu jiro dhulka, badda, cirka, iyo qaybta istiraatiijiga ah ee gantaallada.

Taiwan dhankeeda waxay dhaqdhaqaaqyada Shiinaha ku tilmaamay daandaansi qaawan oo ku wajahan nidaamka adduunka, sida uu sheegtay Af hayeenka madaxweynaha Karen Kuo.

“Daandaansiga Shiinuhu ma aha oo kaliya in uu wiiqo xaaladda nabadda iyo xasilloonida ee marin biyoodka Taiwan, laakiin sidoo kale waa daandaansi bareer ah oo ka dhan ah nidaamka adduunka, kaas oo keenaya cabsi weyn iyo cambaareyn caalami ah” ayay tiri Karen Kuo.

Madaxweynaha cusub ee Taiwan ayaamunaasabaddii caleemasaarkiisa kasheegay inuu garab istaagi doono ciidamada maamulkiisa si loo difaaco amniga jasiiradda.

Taiwan ayaa maamul ay dalal badan oo uu Mareykanku ku jiraahi ay sida dowlad madax-bannaan ula dhaqmaan, balse Shiinuhu wuxuu sheegtaa inay tahay gobolka kamida dhul weynihiisa.