U bood dhigaalka

Siihayaha Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobay James Swan oo Soo Gaaray Muqdisho

Sii-hayaha cusub ee ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee Danjire James swam ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda.

James swam oo uu dhowaan soo magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Guterres ayaa xoogga saari doona sidii dowladda Federaalka Soomaaliya looga taageeri lahaa dhinacyada nabad-gelyada,hormarka,iyo dowlad dhiska sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Dublumaasigaan rugcaddaaga ah ee u dhashay dalka Mareykanka ayaa horay uga soo shaqeeyay Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrikaan ah, wuxuuna imaatinkiisu ku soo beegmayaa xilli ay dowladda Soomaaliya qorshaynayso in la xiro xaafiiska UNSOM, sidoo kalena la filayo inay ciidamada ATMIS dalka ka baxaan.