U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xiriirka labo geesoodka kala hadlay Siihayaha Safaaradda Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Suudaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ammar Ahmed Abikar.

Wasiirka ayaa kala hadlay xiriirka taariikhiga ah ee salka adag ee labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya iyo kor-u-qaadista is-fahan is-dhaafsiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado kahortagga caqabadaha labada dal ay wadaagaan.

sidoo kale waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo siyaasadeed iyo kuwa amni oo la xiriira danaha labada dal iyo guud ahaan gobolka.