U bood dhigaalka

Xamaas oo Weerar Gantaalo ah Ku Garaacday Caasimadda Israel ee Tel Aviv

Xamaas ayaa sheegtay in ay gantaalo ku garaacday magaalada Tel Aviv, taasoo keentay in markii ugu horreysay muddo dhaer bilood ah seeriga digniinaha laga yeeriyo caasimadda yuhuudda.

siddeed gantaal oo laga soo tuuray deegaanka Rafah ee koonfurta Qaza ayay Israa’iil sheegtay inuu qaar kamida ka hortagay hannaankooda difaaca hawadu.

Sida laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, seeriga gantaalada ka diga ayaa laga yeeriyay ilaa 30 goobood oo ku yaala bartamaha Israel oo ay ku jirto Tel Aviv, waxaana jira warar sheegaya in dhowr dhaawac oo fududi ay ka dhasheen weerarka.

Garabka militariga Xamaas ee Qassaam ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo tibaaxay in gantaalladani ay jawaab u yihiin xasuuqa ay Israa’iil ku hayso shacabka reer Falastiin.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Israa’iil waddo duqeymaha arxan darada ee marinka Qaza, islamarkaana aaanay dheg jalaq u siin amarkii ay soo saartay madaxkamadda dembiyada dagaalka ee ICC.