U bood dhigaalka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Hey’adda Sos Children’s

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ay Hogaaminaysay agaasimaha Gobolka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ee Hay’adda Sos Children’s

Madaxweyne Laftagareen iyo Madaxda Hay’adda SOS ayaa ka Wada hadlay Mashaariicda hadda ka socda deegaanada maamulkaaas iyo sidii loo xoojin lahaa.

Kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehliyay Wasiirka Gargaarka DowladGobaleedka Koonfur Galbeed, agaasimaha Madaxtooyada, la taliye Sare Arimaha Maamul daadejinta ah iyo Wasiir Hore Abdifatah Mohamed Ibraahim Geesey.