U bood dhigaalka

Weerar Lagu Qaaday Gobolka Niger oo Lagu Dilay Tobannaan Ruux, Halka 160 Kale Lagu Qabafaashay

Kdib weerar koox Islaami ah ay ku qaaday dalka Nigeria ee dhaca Galbeed Afrika ayaa sababay in toban qof  lagu dilo ugu yaraan 160 kalana  lagu afduubtay tuulo ku taalla gobolka Niger ee bartamaha Nigeria, sida ay saraakiishu sheegeen, kooxdaan weerarka soo qaaday, waxaana socda baaritaanno baadi gooba.

Tiro badan oo hubaysan, oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Islaamiga ah ee Nigeria ee Boko Haram, ayaa habeenkii Jimcaha soo galay tuulada Kuchi, sida duqa magaaladaas uu u sheegay BBC, wararka qaar ayaa sheegaya in dadka la afduubay ay ku jiraan dumaru badanaa gabdho la beegsaday.

Dableyda ayaa la sheegay in ay Mooto Bajaaj ku galeen Kuchi oo ay xitaa waqti ku qaadanayeen, iyaga oo shaah ku sameysanayay dhacna u geysanayay guryaha qaar ka hor inta aysan ka bixin wax ka badan laba saacadood, dadka la qaafay  ayaa waxaa ku jira caruur xilli la laayay dad ugaarsato ahaa oo deegaanka ah.

Mr Najume, oo ah gudoomiyaha golaha deegaanka Munya oo ay hoostagto tuuladaan , ayaa sheegay in bulshada Kurchi ay ku dhacday murugo iyo walaac ah in ay maqleen wararka dadka la qabsaday, waxaana uu sheegay in ciidanka Milatariga dalkaas ay wadaan dadaallo baadi goob ah oo lagu soo furanayo dadka.

Kooxda Booka Haaraam weerarrada ay ka geysanayso  gobolka Niger ayaa noqday kuwa soo badanaya inkastoo inta badan aan la kala cadeyn in ragga hubeysan ay xiriir la leeyihiin kooxaha jihaad doonka ah, waxaana wali dowladdu ay u maaro la’dahay kooxdaan oo dhibaato ku haysa dadka gobollada Nigeria.