U bood dhigaalka

Pope Francis oo Raaligelin Ka Bixiyay Hadal uu Hore Uga Sheegay Kooxda LGPT Lagu Magacaabo

Pope Francis oo hoggaamiyaha Madaahibta Kaatooligga ayaa raali-gelin ka bixiyay hadal uu horay u yiri oo ku saabsanaa kooxda loo yaqaanno LGBT ka dib markii lagu eedeeyay inay ku jiraan erayo uu ku liidayo kooxda kooxdaas.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa warisay in Francis uu adeegsaday ereyga Talyaani ah oo ay kooxaha isku jinsiga isku galmooda ah ee LGBT-gu dhibsadeen, taasoo keentay inuu raali-gelin bixiyo.

Shabakadda Dagospia ayaa ahayd warbaahintii ugu horreeyay ee soo bandhigtay dhacdadana lagu, waxaana la sheegay in ay dhacday 20-kii May xilligaasoo baadarigu uu kulan albaabadu u xiranyihiin la yeeshay hoggaamiyaha kiniisadda Talyaaniga.

“Baadarigu waligiis kuma talagelin in uu ku xumeeyo ama uu isu muujiyo ereyo naceyb ah, wuxuuna raaligelinayaa kuwa dareemayay isticmaalka erey ay dadka kale sheegeen,” ayuu afhayeenka Vatican Matteo Bruni.

Kooxda LGBT ayaa ah urur ay ku mideysanyihiin dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda ama falalka qowmo-luudnimada ah sameeya, waxayna dadaal ugu jiraan ka hortagga wax walboo xumaantooda ku saabsan, ayagoo xoogga saaraya in loo aqoonsado dad caadi ah oo bulshada kale lamid ah.