U bood dhigaalka

Dibadbaxayaal Careysan oo isku dayay Iney Xoog Ku Galaan Safaaradda Israa’iil ee Caasimada Mexico

Wakaalada wararka ee AFP ayaa ku warameysa in isku dhacyo ku dhex maray booliska iyo dad mudaaharaadayay afaafka hore ee safaarada Israa’iil ee caasimada Mexico, dibadbaxa ayaa u muuqdo mid rabshado wata.

Dadkaan ayaa bilaabay dhibaatada kadib markii qaar ka mid ah dadka isku soo baxay ay dhagxaan ku tuureen ciidamo hor taagnaa irida laga galo safaaradda oo diyaar u ahaa in ay ka hortagaan.

Booliska ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa, waxayna dib u tuureen dhagxaanta ay ku tuurayeen dibadbaxayaasha, xilli ay doonayeen inay kala eryaan dadka, sida ay sheegtay AFP.

Ku dhawaad 200 oo qof ayaa ka qeyb galay mudaaharaad ka dhacay dhismaha diblumaasiyadeed ee ku yaala xaafada Lomas de Chapultepec ee magaalada Mexico.

Dibadbaxaan ayaa looga soo horjeedo weerarkii Israel ay ku dishay 45 Falastiiniyiin ah oo ku barakacay Rafah.