U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda oo Kulan La Qaatay Agaasimaha Bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mudane Keith Hansen iyo Wakiilka Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Kristina Svensson.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray horumarinta mashaariicda Bangigu ka fuliyo Soomaaliya oo ah kuwo waxtar u keh Dowladda iyo Bulshada intaba, sidoo kale waxay labada ka wada hadleen ka dib barnaamijkii deyn cafinta sidii loo balaarin lahaa taageerada uu bank-gu siiyo Dowladda Soomaaliya.

Bangiga Adduunka ayaa ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee sida joogtada ah u taageera Dowladda Soomaaliya, waxa uuna ku leeyahay mudnaan gaar ah gudaha dalka Soomaaliya.