U bood dhigaalka

Muxuu yahay hadalka uu sheegay la taliyaha amniga qaranka Soomaaliya ee Itoobiya walaaca ku abuuray?

Soomaaliya ayaa rajaynaysa in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhamaadka December 2024. Lataliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa dhawaan shaaca ka qaaday go’aanka dowladda Soomaaliya.

Hadal heyn xooggan ayaa ka dhalatay taasoo warbaahinta caalamka ay si weyn uga hadleyso go’aankaan oo ciidanka Itoobiya welwel ku riday. Ciidanka Itoobiya ku qaba sida Warbaahinta ay qorayso faaidooyin dhaqaalle.

Sida uu sheegay Macallin, ciidamada Itoobiya ayaan ka mid noqon doonin ciidamada Midowga Afrika (AU) ee ka howlgala dalka marka uu dhammaado howlgalka ATMIS-ka bisha December.

Soomaaliya waxa ay saaxiibada caalamka kala xaajoonaysaa sidii loo dhisi lahaa ciidamo caalami ah oo ka hawlgala Soomaaliya muddo hal sano ah oo ka bilaabmaysa Janaayo 2025.

Ciidamadan ATMIS-ka ka dambeeya ayaa la filayaa inay ka kala yimaadaan afarta dal ee kale ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya: Jabuuti, Kenya, Uganda, iyo Burundi.

Ciidamada Itoobiya ayaa bixi doona bisha December. Hadda, Itoobiya waxay leedahay ciidamo ka qayb qaata ATMIS iyo sidoo kale ciidamo dheeraad ah oo ku sugan Soomaaliya oo ka baxsan nidaamka ATMIS-ka.