U bood dhigaalka

Israel oo Sii Wadda Duqeynta Shacabka Falastiin

Saddex qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay duqeeyeen guri ku yaalla xaafadda Daraj ee magaalada Gaza, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa,

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen xaafado ka tirsan magaalada Gaza subaxnimadii talaadada.


Dhanka kalena Af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Matthew Miller ayaa sheegay in ay jiraan dad gaar ah oo ka tirsan maamulka Israa’iil oo kasoo horjeedda soo jeedinta cusub ee xabbad joojinta ee uu Mareykanku taageerayo.

Qoraal uu soo saaray Miller ka dib markii la weydiiyay sababta loogu baahan yahay “in laga baryo Israa’iiliyiinta inay aqbalaan” heshiis xabbad-joojin ah oo Aqalka Cad uu ku andacoonayo in dowladda Israa’iil ay iyadu miiska saartay.

Miller wuxuu caddeeyey in Maraykanku ka codsanayo kuwa kale oo ka tirsan dawladda Israa’iil inay aqbalaan heshiiska.


Saraakiisha midigta-fog ee Israa’iil ayaa diiday heshiiska saddexda weji ah, ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden usbuucii hore, iyadoo wasiirka maaliyadda Bezalel Smotrich uu ballan qaaday oo uu sheegay in heshiiskaan lagu burburinaayo maamulkooda.