U bood dhigaalka

Xootiyiinta oo Gantaalo Ku Weeraray Israel, Kuwaas oo Laga Tuuray Dhinaca Badda Cas

Ciidanka maamulka Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen ku qirtay in gantaallo dhan badda cas laga soo tuuray lagu weeraray deegaanno ku yaalla gudaha Israa’iil, ayagoo sheegay in hannaankooda difaaca cirku uu ka hortagay.

Waxay intaa ku dareen in seeriga gantaallada ka diga laga yeeriyay deegaanka Eilat ee koofurta Israa’iil, balse waxay tilmaameen inaan weerarkaas cidina wax ku noqan oo aanu wax khasaare ah geysan.

Dhankooda kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay in ay si guul leh u beegsadeen bartilmaameed millatari oo ku yaalla magaalada Eilat, iyagoo adeegsanaya gantaal ballistic ah sida uu sheegay Afhayeenka milatariga ee ciidamada kooxdan gacanta saarka la leh dowladda Iiraan Yaxye Saree.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu dagaalka marinka Qaza meeshii ugu darnayd marayo, balse uu socdo wada xaajood ay Mareykanka iyo Qatar gar wadeen ka yihiin oo lagu doonayo in halkaa xabbad joojin laga hirgeliyo.