U bood dhigaalka

๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ƒ๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š:World Environment Day

Deegaanku waxa uu ka kooban yahay waxyaabo dabiici ah ee aynu ku nool nahay ama nagu hareeraysan, oo ay ka mid yihiin; hawada aan neefsaneyno, biyaha aan cabno, ciidda aan ku nool nahay [ku dul-noolnahay], iyo noolaha innaga inala-nool. Waa nidaam isku dhafan oo isku tiirsan oo taageera nolosha dhulka. Nasiib darro, ficiladeenna waxay carqaladeeyeen dheelitirnaanta deegaanka, iyagoo keenay dhibaatooyin culus oo deegaanka ah; sida isbeddelka cimilada, xaalufinta dhirta, iyo luminta noocyada kala duwan ee dabiiciga ah. Maalinta deegaanka adduunka [๐—ช๐—ผ๐—ฟ๐—น๐—ฑ ๐—˜๐—ป๐˜ƒ๐—ถ๐—ฟ๐—ผ๐—ป๐—บ๐—ฒ๐—ป๐˜ ๐——๐—ฎ๐˜†], waxaa tahay in aan is xasuusinno masโ€™uuliyadda naga saaran ilaalinta iyo soo celinta deegaankeena si aan mustaqbal fiican ugu diyaarinno ubadkeenna.

Ololaha Soomaaliya Cagaaran: (The Green Somalia Campaign)
Bishii Oktoobar 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu xariga ka jaray ololaha Soomaaliya Cagaaran oo ah hindise ku aaddan in guud ahaan dalka lagu beero 10 milyan oo geedo ah. Hindisahan, oo lagu daahfuray Magaalada Baydhabo, wuxuu hoosta ka xariiqayay doorka muhiimka ah ee dhirtu ku leedahay la dagaallanka nabaad guurka, xaalufinta deegaanka, yaraynta dhibaatada loo gaysto deegaanka, iyo horumarinta mustaqbal waara oo Soomaaliya yeelato.

Ololuhu wuxuu diiradda saaraayay inuu wax ka qabto caqabadaha deegaanka ee daran ee Soomaaliya markaas [iyo hadda ba], ay si daran u wajahaysay oo ay ka mid yihiin; abaaraha iyo roob yarida soo noq-noqday kuwaas oo ka sii daray xaalufinta dhirta. Billowgii waxaad mooddaa in ay jirtay xamaasad iyo wax aan dhihi karo laab-lakac taas oo markii dambe la waayay meel ay ka baxday. Dowladda iyo hayโ€™adihii arrimhaas u xil-saarnaa way ku guul-daraysteen in ay sii dhaqaajiyaan hindisihii iyo qrshayaashii uu Madaxweynuhu billaabay ee rajada badan laga qabay.

๐—œ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐—ผ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—”๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ค๐—บ ๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐—ฎ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป ๐—ด๐—ผ’๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ผ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—น-๐—ด๐—ฎ๐—น ๐˜‚ ๐—ป๐—ผ๐—พ๐—ฑ๐—ฎ๐˜† ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—พ๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ.
Sannado kala duwan ayee qiimeynta ilaalinta deegganka Soomaaliya ka gashay kaalmaha hoose, iyada oo lagu eedanayay dalalka sida baโ€™an u nabaad-guuriyay deegganka.

Dunida oo mab-nuuc ka tahay dhoofinta Dhuxasha ayee Soomaaliya u dhoofisay dalalka khaliijka iyo kuwa kale intii u dhexeeysya 2006 ilaa 2012, iyada oo Bishii Febaraayo sannadkii 2012 Golaha Amaanka Qaramada midoobay cod aqlibad leh ku mamnuucay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, waxaana xiligaasi Golaha qodnada ay cuksaneen waxey ahayd xaalufinta dhirta, dhaqaale fara badan oo ay kasoo gala kooxaha Aragaxisada ee ka dagaalao Soomaaliya. wax uuna Wadamada carabta ku cadaadiyay in ay joojiyaan soo dagsashada dhuxsha.

๐—–๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐—ต๐—ถ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ถ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ (๐—˜๐—ป๐˜ƒ๐—ถ๐—ฟ๐—ผ๐—ป๐—บ๐—ฒ๐—ป๐˜๐—ฎ๐—น ๐—–๐—ต๐—ฎ๐—น๐—น๐—ฒ๐—ป๐—ด๐—ฒ๐˜€ ๐—ถ๐—ป ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ฎ)
Inkasta oo uu jiray sida aan soo sheegay rabid bulsheed oo ku saabsan ololaha Soomaaliya Cagaaran, caqabado badan ayaa hor istaagay horumarkiisa. Caqabadahaas waxay isugu jireen isku duwid la’aanta iyo balanqaadyadii laga sugaayay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo hungoobay taas oo muhiim iyo tiir ba u ahayd bixinta kheyraadka loo baahan yahay (resources), siyaasadaha (policies), in kastoo tan wax laga sameeyay, hadana haddii aanan la-dhaqangilin, wax micna ah malleh.. Waxay ahayd in lasii dardargiliyo oo bulshada qaybaheeda kala duwan, dowlad goboleedyada dalka iyo hay’adaha dowladda inay si firfircoon uga qaybqaataan beerista geedaha iyo dadaallada ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, xaaladaha cimilada adag ee Soomaaliyaโ€”oo ay ka mid yihiin roob yarida, dabaylo joogto ah, iyo fatahaado soo noqnoqdayโ€”waxa ay adkeynayaan [een] hirgelinta mashaariicda beerista geedaha ee ballaaran.

Soomaaliya waxay la tacaalaysaa dhibaatooyin badan oo deegaanka ah oo kordhiya nuglaanta bulshadeeda. Isbeddelada cimilada ee aan caadiga ahayn oo ay ku jiraan abaaro daba dheeraaday iyo fatahaado mararka qaarkood dhaca, waxay carqaladeeyaan in beeraleedaynnu ay wax soosaaraan.

๐—ฅ๐—ฎ๐—ท๐—ผ ๐—•๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—”๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐— ๐˜‚๐˜‚๐—พ๐—ฎ๐˜๐—ฎ:
Geesta kale waxaa jiro dhallinyaro si iskooda ah is-xilqaam ah ugu shaqeeya beerista dhirta iyo ilaalinteeda, kuwaas oo faham buuxa ka haysta, qaarkood oo aan kula kulmay Caasimadda Dalka waxey ila wadaageen mudnaanta ay siinayaan howshan.

Mid kamid ah xaruumaha yadadiilada u ah horumarka deegaanka iyo isbadalka cimilada ee aan booqday waa ๐—ซ๐—ฎ๐—ฟ๐˜‚๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ซ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฟ๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐˜๐—ฎ ๐—”๐—ด๐—ผ๐—ผ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฃ๐—ผ๐—น๐—ถ๐—ฐ๐—ฒ-๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, Osma Oscar iyo Saaxibkiis waxay si isxilqaan ah ay geedo inta ay soo iibiyeen ugu abuureen xaruunta, waxa uu Cusmaan hoosta ka xariiqay in arinkan ay ugu danleeyihiin ay tahay in magaalada Muqdisho ay noqoto magaalo cagaaran dhirtana Saaxiib laโ€™ah, taasoo qeyb ka qaadanayso bilicda caasimada iyo il-qabsiga quruxda badan.

Yaanan ilaabin guulaystayaasha (Champions-ka) uu horkaco walalkay, ustaad Cabdisatar carabow oo ah madaalayaasha isku xilqaamay, qurxinta iyo nadaafadda Xeebta Liido, waxay subax kasta oo jimca ah ay hurdadii iyo raaxadii ugy tageen in mid kamid ah meelaha loo dalxiis tago ay nadiif ahaato, dadku ay jeclaadaan u damaashaad tagisteeda, waxayna howshaan wadaan Cabdisataar iyo saaxiibada kale ee dhallinyarada u badan, wax ka badan seddax sano.

๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—Ÿ๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐—ซ๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ ๐—–๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜‚ ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ
Si loo xalliyo caqabadahaas aan soo sheegay waxaa ay ila tahay haddii tallaabooyinka hoose aan ku bixiyay la qaado in wax laga qaban karo isbadelka cimilada iyo deegaanka:

  1. ๐—ซ๐—ผ๐—ผ๐—ท๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ง๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐˜†’๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ: (Strengthening Institutional Support)
    Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada waa inay qaataan door firfircoon oo ku saabsan isku-duwidda dadaallada, bixinta kheyraadka, iyo fulinta siyaasadaha taageeraya ololaha. Iskaashiga maamullada gobollada iyo dadka deegaanka waa lama huraan si loo hubiyo hab midaysan.
  2. ๐—ž๐—ฎ-๐—พ๐—ฎ๐˜†๐—ฏ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐—ฐ๐˜†๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ: (Community Engagement and Education:)
    Kordhinta wacyiga ku saabsan muhiimadda ay leedahay beerista geedaha iyo ilaalinta deegaanka ee bulshooyinka maxalliga ah waa muhiim. Barnaamijyada waxbarashada iyo dhiirrigelinta waxay kor u qaadi karaan ka-qaybgal firfircoon iyo abuurista dareen lahaansho iyo mas’uuliyad.

Sidaas oo kale dhallinyarada hada is abuubushay iyagana in lasii dhiirigiliyo oo lagu taageero, aqoon iyo agab wixii ay u baahan yihiin, tani waxay ka qayb qaadan kartaa in bulshadu si iskooda ah ay isku xilqaamaan, qofkasta iyo deegaankastana uu is abaabulo.

  1. ๐—Ÿ๐—ฎ-๐—พ๐—ฎ๐—ฏ๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ซ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—–๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ: (Adapting to Climatic Conditions:)
    Hirgelinta farsamooyinka sida isticmaalka noocyada kala duwan ee geedaha u adkeysan kara abaaraha iyo isticmaalka hababka biyaha ilaalin kara, waxay kordhin karaan heerka badbaadada geedaha cusub. Abuuristaiyo hababka ilaalinta ciidda waxay sidoo kale yareyn karaan saameynta xaaladaha cimilada adag.
  2. ๐—ž๐—ฎ-๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ’๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ง๐—ฒ๐—ธ๐—ป๐—ผ๐—น๐—ผ๐—ท๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—›๐—ฎ๐—น-๐—ฎ๐—ฏ๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ: (Leveraging Technology and Innovation:)
    Adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah sida helitaanka macluumaadka fog iyo GIS (Nidaamka Macluumaadka Juquraafiyeed) waxay caawin karaan in la sameeyo khariidadaha aagagga ku habboon ee ay tahay in la beero sidoo kale la ogaado koritaanka geedaha. Xitaa tani waxay sahli kartaa in beeralaydeennu ay hellaan xalal waara iyo in ay maareeyaan fatahaadda biyaha.

Tallooyinku ama tallaabooyinka in la qaado ay tahay, intaan waa ka badan yihiin, balse intaan baan kusoo koobay. Fadlan adna wax ku biiri/ku dar. Mahadsanid

๐—š๐˜‚๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฑ
Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka (World Environment Day) waxaa ay na xasuusinaysaa waajibaadka qofkasta ka saaran yahay in uu deegaanka ilaaliyo, masuuliyadda dhankiisa ka gaysto, oo ku dadaalno sidii aan u quruxsan lahayn deegaankeenna. Ololaha Soomaaliya Cagaaran, inkastoo caqabadaha badan ay ka jiraan hadana wuxuu nasiinaayaa yadadiilo fara badanโ€”sida wadamada dariska oo aan tusaalle usoo qaadan karo Kiinya iyo Ithoobiya kuwaas oo tallaabooyin xaga hore ah u qaaday horumarinta deegaanka iyo wax ka qabashada isbadalka cimilada.

Hadii aan rabno in aan wadamada geeska Africa aan la-tartanno, wax la qaybsanno, maalgashi uu wadankeena helo, waa in aan wax badan ka qabannaa arimahan deegaanka, hadii kale 20 sano soo-soocota ama 30 sano mesheena ayaan joogeennaa. Aan mideyno dadaalladeena oo aan qaadno tallaabooyin sax ah oo waxtar leh, si aan u ilaalino deegaanka.

Maalintan caalamiga ah darteed; ma ila wadaagi kartaa wax un oo karaankaaga ama kaalin ah oo aad ka gaysatay deegaanka (meesha aad ku nooshahay) iyo wax ka qabashada Isbadalka cimilada? U qareemid, dhir-beeris, wacyigilin & waxbarid iyo wixii lamid ah; maxaa kaaga mahadnaqnaa intaas kamid ah oo aad samaysay?

Geed oo aad beertaa waa adiga oo nolal hagaajiyay, hadaba ilaa goormee ayaa laisku xilqaami doonaa ilaalinta iyo kobcinta Deegganka?

โ€œNadaafadu, waa iimaanka barkiis.โ€โ€“ (Xadiithkii Nabigeena N iyo N korkiisa ha ahaatee).


๐€๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐๐ฎ๐ซ ๐ˆ๐›๐ซ๐š๐ก๐ข๐ฆ
๐—ฆ๐—ฒ๐—ป๐—ถ๐—ผ๐—ฟ ๐—๐—ผ๐˜‚๐—ฟ๐—ป๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜€๐˜, ๐—–๐—น๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐˜๐—ฒ ๐—”๐—ฑ๐˜ƒ๐—ผ๐—ฐ๐—ฎ๐˜๐—ฒ ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—–๐—ผ๐—บ๐—บ๐˜‚๐—ป๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป/ ๐— ๐—ฒ๐—ฑ๐—ถ๐—ฎ ๐—˜๐˜…๐—ฝ๐—ฒ๐—ฟ๐˜