U bood dhigaalka

Duulimaadyada Caalamiga ah ee Kusoo Wajahan Soomaaliya oo Kordhay

Shirkadda Diyaaradda EgyptAir, ayaa ku dhawaaqday in bisha July ay bilaabayso duulimaadyo cusub oo dhexmara qaaradda Afrika, sida caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo Abidjan, oo ah caasimadda Ivory Coast, iyo sidoo kale khad aada Jabuuti.


Waxaa la qorsheeyay in duulimaadyo lagu tago caasimadda Ivory Coast ee Abidjan, laga bilaabo 9-ka Luulyo ee soo socota, iyada oo saddex duullimaad todobaadkiiba ay tahay Axadaha, Talaadada iyo Jimcaha.

EgyptAir waxa kale oo ay samaynaysaa duulimaadyo isku xidha Djibouti iyo Muqdisho laga bilaabo July 11 ilaa dhamaadka xagaaga iyada oo jadwalkiiso yahay laba duulimaad todobaadkiiba (Qaahira – Djibouti – Mogadishu – Djibouti – Qaahira). ).


EgyptAir waxa ay waddaa qorshe wakhti dheer ah oo ay ku doonayso in ay ku balaarato Afrika oo ay ku gaadho suuqyo cusub si ay u beegsato macaamiisha cusub.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay xirirka ay la leedahay dowladda Masar, iyadoo labadii sano ee lasoo dhaafay sare u qaaday horumarinta garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

Sidoo kale Shirkadda diyaaraddaha ee Kenyaan Aiways ayaa todobaadkaan si rasmi Soomaaliya uga shaqo bilowday halka duulimaadyo kale oo caalami ah ay soo gaaraan codsigooda Soomaaliya.