U bood dhigaalka

Garsoorka Dalka oo Soo Kabanaya iyo Caqabadaha uu Wajahayo Xilligaan

Sanadkii 1991-dii markii ay burburtay Xukuumaddii dhexe ee dalku waxaa meesha dhammaan laamihii dowladda iyo hay’adihii kala duwanaa ee dadweynaha u adeegi jirey, balse wixii ka dambeeyay 2000,waxaa socday dib u dhis iyo soo kabasho dhan walba leh.

Hannaanka garsoorka dalka oo kamida 3-da tiir ee ugu muhiimsan nadaamka dowladnimada ayaa qeyb ka ahaa hay’adihii uu qaran jabku sida ba’an u saameeyay, hayeeshee sanadihii la soo dhaafay wuxuu ku tillaabsaday hormar iyo hanaqaad baaxad leh oo dhinacyada awoodda iyo hufnaanta ah.

Sidoo kale waxaa sare u kacday kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan adeegga ay bixiyaan laamaha garsoorku, balse waxay weli weydiini ka taagantahay inuu gaarsiisanyahay halkii loo baahnaa iyo in kale.

Garyaqaan Daahir Maxamed Cali oo ah Xoghayaha Ururka qareenada soomaaliyeed, Kana qeyb-galay dood uu agaasimay TV-ga Goobjoog ayaa faahfaahin ka bixiyay adeegyada ugu muhiimsan ee laga rabo nadaamka garsoorka, asagoo tilmaamay in halbeegga dhabta ah ee hay’adaha caddaaladdu aanu ahayn sida ay dadku u malaynayaan.

Hannaanka garsoorka ee dunidu wuxuu u shaqeeyaa 3 qaab oo ku xiran haddaba nadaamka dowladnimada ee uu dalku qaatay, balse Soomaaliya midna kuma dhaqanto, taasina waa mid kamida caqabadaha ay wajahayaan laamaha caddaaladu sida uu qabo Maxamed Shiikh Cismaan oo ah xeer ilaaliyihii hore ee dowlad gobolleedka Jubbaland.

Garyaqaan Daahir Maxamed Cali iyo Xeer ilaaliye Maxamed Shiikh Cusmaan ayaa labaduba tilmaamay in loo baahanyahay in garsoorku madax-bannaanyahay si uu waajibaadkiisa u guto, islamarkaana ay dhammaan dhinacyadu ugu wada kalsoonaadaan.

Sidoo kale caqabadaha ugu waaweyn ee haysta hannaanka garsoorka ayay ku sheegeen guddiga adeegga garsoorka oo aan weli la dhisin, la’aanta maxkamadda dastuuriga ah, iyo dhinacyada hubaysan oo aan qaarkood diyaar u ahayn inay u qoor dhiibtaan maxkamadaha dalka.

Garsoorka dalka oo kamid ah waaxaha ugu muhiimsan dowladnimada ayaa hadda ku jira hannaan dib u kabasho ah, ayadoo madax-bannaanidiisa iyo hufnaantiisu ay soo xoogaysanayaan.