U bood dhigaalka

Israa’iil oo weerartay iskuul ay Qaramada Midoobay maamusho oo ku yaalla bartamaha Gaza

Weerar cirka ah oo Israel ay ku qaaday iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay oo hoy u ah dadka reer Falastiin ee ku barakacay xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Gaza ayaa lagu dilay inta u dhaxaysa 35 iyo 45 qof.


Dadka halkaasi lagu dilay ayaa u badnaa haween iyo carruur.


Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay bartilmaansadeen Xamaas iyo dagaalyahanada Islamic Jihad oo gabaad ka dhiganayay Iskuulka, hadalkaas oo saraakiisha Xamaas ee Gaza ay beeniyeen.


Sam Rose, oo ah agaasimaha qorsheynta ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin (UNRWA), ayaa sheegay in maamulka uu beegsanaayo carruurta loona baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.


Dhan kalena Philippe Lazzarini, oo ah guddoomiyaha guud ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin, ayaa sheegay in la joogo waqtigii suxufiyiinta caalamiga ah loo ogaan lahaa soo tabinta dhibaatada maamulka uu ku haayo shacabka Falastiin.


Dalalka Caalamka ayaa qeylo dhaan ka muujiyay xasuuqa aan loo meel dayin ee Israel ay ka waddo marinka Qasa iyadoo lagu eedeeyay in ay beegsanayso shacabka.