U bood dhigaalka

4 Kamid ah Shaqaalle Dhisme oo Lagu Dilay Meel u Dhow Xadka Soomaaliya iyo Kenya ay Wadaagaan

Dabley hubeysan ayaa waqooyiga Kenya toogasho ku dilay afar ka mid ah shaqaalaha dhismaha isbitaal ku yaalla meel u dhow xuduudka Soomaaliya. Kooxda weerarka fulisay ayaa la aamisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al Shabaab.

Koox ka kooban 8 qof oo shaqaale ah ayaa la weeraray, iyadoo afar lagu toogtay goobta uu dhismaha ka socday sida uu sheegay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka booliska dalka Kenya.

Afarta qof ee kale oo shaqaalaha ka mid ahaa ayaa goobta baxsaday iyagoo bad qaba, sida uu sheegay sarkaalku.

Goobta laga dhisayo isbitaalka ayaa ku dhow xerada qaxootiga ee ugu weyn Kenya ee Dhadhaab.

Degmada Garissa ayaa dhowr jeer oo hore waxaa weerar ku qaaday dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ka gudbay xuduuda.

Waqooyiga Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay rabshado sababay dhimashada dhowr qof oo ka dhacay meelo kala duwan.

Dowladda ayaa sheegtay in la kordhiyay howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka ee waqooyiga Kenya.

Weeraradii ugu dambeeyay ayaa dowladda ku qasbay in ay hakiso qorshaha dib loogu furayo xadka Kenya iyo Soomaaliya ay wadaagaan oo dhan 698-km oo la xiray sanadkii 2011-kii.