U bood dhigaalka

Israel oo 210 Falastiiniyiin ah Maalin Qura Ku Dishay Marinka Qaza

Masuuliyiinta Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa sheegay in dad ka badan 200 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay, weerar isugu jiray cirka, dhulka iyo badda oo ay Isra’il shalay ku qaadday bartamaha Gaza.

Saraakiisha ayaa ku tilmaamay weerarkaan kii ugu dhiig-daadashada badnaa tan iyo marki uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza muddo hadda laga joogo 8 bilood.


Ciidamada Isra’il ayaa sheegay in weerarkaan uu qeyb ka ahaa howlgal ay ku soo badbaadiyeen afar qof oo ka mid ahaa la heystayaasha Isra’il ee ay Xamaas iyo kooxaha kale ku hayaan Gaza.

Millatariga Isra’il waxay sheegeen in howlgalkan ay ku soo furteen afarta qof uu ka dhacay xerada qaxootiga Nuseyrat ee bartamaha Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah meelaha ugu dadka badan Gaza.

Ilaha caafimaadka ayaa sheegay weerarka ciidanka Israil ay shalay ku qaadeen xerada Nuseyrat ay ku dileen in ka badan 210 ruux oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur.

Dhaqaatiirta aan Xuduudda laheyn ee (MSF) ayaa sheegtay in in isbitaalka Al Aqsa ee bartamaha Gaza ay ka tan bateen dhaawacyada, kuwaas oo u badnaa bay tiri hey’adda dumar iyo carruur. Dhaawacyada ayaa laga keenay Kaamka Nuseyraat.