U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socday Galmudug oo Gaaray Magaalada Ceeldheer ee Bariga Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka howlaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Dhiblaawe oo ay wehliyaan maamulka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa saakay gaaray goobihii uu shalay ka dhacay dagaalkii ay kooxda Alshabaab ku soo qaadeen magaalada.

Masuuliyiinta ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tegay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee shalay ka hortagay weerarkii Alshabaab ee ay ciidanku sida adag isaga caabiyeen, islamarkaana ay kooxda ka difaaceen inay magaalada gacanta ku dhigaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku diley 47 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab, islamarkaana hub iyo saanad ciidan ay kaga qabsatay kooxda sida lagu sheegay war ay soo saartay dowladdu.