U bood dhigaalka

Deg deg: Diyaarad Sidday Madaxweyne Ku-xigeenka Malaawi oo La Waayay iyo Faahfaahinno Kasoo Baxaya

Diyaarad siday madaxweyne ku xigeenka dalka Malawi Saulos Klaus Chilima iyo sagaal qof oo kale ayaa la waayay, Sida laga soo xigtay xafiiska madaxweynaha dalkaas, dadaallada lagu raadinayo diyaaradda ayaa socda.

“Dhammaan dadaallada ay sameeyeen mas’uuliyiinta duulista si ay xiriir ula sameeyaan diyaaradda tan iyo markii ay ka baxday radar-ka waa ay guuldareysteen,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha iyo Golaha Xukuumadda Malawi.

Chilima oo 51 jir ah ayaa la socday diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Difaaca Malawi oo ka soo duushay caasimadda Lilongwe saacadu markay ahayd 09:17 subaxnimo, iyadoo intaa ka dibna raadaarka laga waayay sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaasi.

Diyaaradda ayaa lagu waday inay ku degto garoonka caalamiga ah ee Mzuzu saacadu markay tahay 10:02 subaxnimo,balse illaa hadda waa la’yahay.

Dabayaaqada bishii May ayay ahayd jeerkii madaxweynihii Iiraan Ebrahim Raisi iyo wefdi la socday la waayay diyaaraddii ay saarnaayeen, ka dibna la xaqiijiyay inay dhammaantood geeriyoodeen.