U bood dhigaalka

Guddiga Qabanqaabada Todobaadka Xoriyadda oo Mudisho Kasiiwada Kulamadooda Joogtada ah

Guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa shaqada guddiga, waxaana shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka mudane Cali Yuusuf Cali oo Guddoomiyaha guddiga.

Guddoomiye Cali Yuusuf iyo xubnaha guddiga ayaa sii wada kulammada aan kala go’a lahayn ee diyaargarowga xuska maalmaha qaran oo nagu soo aadan, kulankaan ayaa ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed, waxaana kasoo qeybgalay mas’uuliyiin kale duwan oo xubno ka ah.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Xubnaha Golaha Wasiirrada XFS, Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo bandhigay qorshaha iyo u diyaargarowga todobaadka Xorriyadda oo nagu soo wajahan, taas oo ay qayb ka yihiin dhammaan Hay’adaha Dowladda heerarkooda kala duwan.

Guddigaan ayaa waa dhowaan magacaabay Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre waxaana loo idmaday qabanqaabinta maalmaha qaran ee nagu soo aadan ee 26-ka June iyo 1-da Luulyo, oo sanadkaan dhaca Mudishoo xasiloon.