U bood dhigaalka

Puntland oo Ogolaatay Mashaariicda Hormarineed ee Dowladdu Ka Fuliso Deegaanadeeda

Wasiirka wasaaradda qorshaynta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Puntland ay oggolaatay in dib loo billaabo mashaariicdii ay dowladdu ka fulin jiray deegaanadeeda, ayadoo ay xukuumadda Federaalku tibaaxday inay arrintaa soo dhowaynayso.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda qorshaynta ayaa lagu yiri ” dowladda federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa dib u bilaabashada mashaariicda horumarineed ee horay uga socday Puntland, oo ay ku jiraan mashruuca Barwaaqo iyo mashruuca Adkeysiga Nidaamka Cuntada (SFSRP)”.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa asna sheegay inay muhiimad leedahay in mashaariicda horumar waara iyo sugnaanta cuntada dib looga billaabo deegaanadaas.

Arrintan ayaa la filayaa inay horseedo isku soo dhowaasho dowladda Soomaaliya iyo dowlad gobolleedka Puntland, ayadoo hadda uu ka dhex aloosanyahay khilaaf meeshii ugu sarraysay gaaray.