U bood dhigaalka

Kusimaha Madaxweynaha dalka oo midnimo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Shacabka ku nool caasimadda Muqdisho Salaada Ciida kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Magaaladda Muqdisho.

Guddomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Salaada Ciida ka dib la hadlay dadweynihii masaajidka ku sugnaa ayaa ugu hambalyeeyay munaasabada ciida, waxaa uuna dadka Soomaaliyeed ku booriyay garab istaagida dadka danta yar.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed midnimo, wadajir iyo in ay taageeraan horumarka dowladnimo ee dalka.