U bood dhigaalka

Madaxda Sare ee Dalka oo Shacabka Soomalaiyeed Ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul Adxa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka ee u dabbaal-degaya farxadda Ciiddan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay fadliga ay leeyihiin maalmahan barakaysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna ku bogaadiyey dadka Soomaaliyeed inay si cafiyaan oo ay is kaalmeeyaan, kana shaqeeyaan danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Adxaa awgeed.  dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gudaha iyo dibedda.

Ra’iisul wasaare Xamse oo hambalyo gaar ah la wadaagay geesiyadda ciidamadda qalabla sida ayaa sheegay in ciidan tan xigta uu ku han-weyn yahay in dhamman dalka oo idil laga ciribtiray Al-shabaab waxaana uu sheegay in ciidanku ay kaalin muhiim ah ka qaateen.

Dhanka kale Guddoomiyaagi Golligi Shi’ibki BJFS waané eh Ki-simaagi Madiwiinagi Jamhuuriyiddi Mudiné Sheeg Eedéng Maanur (Modoowé) ya hamabaliyi ké eeding munaasibidi Iidul-Adha ing diri guud haang Muslimiinté aalamké gaar haang dadké Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa Illaahey uga baryay in walaalaha Falastiin inuu dhibka ka dulqaado ay ku jiraan, isagoo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed nabad iyo barwaaqo ugu duceeyay meelkasta ay joogaan, waxaana uu ugu baaqay iney isku tiirsanaadaan.

Ku simaha Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, wuxuu hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaaan umadda muslimiinta ah.

Guddoomiye Shacbaan wuxuu Alle SWT ugu baryay shacabka Soomaaliyeed in uu ka aqbalo cibaada iyo sadaqada maalmaha barakaysan ee bisha Carafo, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed meel kasta ooy joogaan u rajeeyay in ay sannadkan kiisa kale ku gaaraan nabad, horumar, barwaaqo iyo wadajir.