U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Ka Qeybgalay Shirka Halbeegyada Afrika ee ARSO

Wafdi ka socda Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed ayaa magaalada Abuuja ee dalka Nigeria kaga qeyb galaya shirka 30aad ee xubnaha hay’addaha Halbeegyada Afrika ee ARSO.

Intuu shirka socday wafdiga ayaa waxaa u suuragashay inay kulamo doceedyo la qaataan wafuud ka socotay dalalka kala duwan ee shirka ka qeyb qeyb galay.

Waxa ay kala hadleen sidii iskaashi mira dhal ah looga hirgelin lahaa dhinacyada kala duwan ee tayodhawrka.

Dowladda Soomaaliya ayaa laba sano ee lasoo dhaafay sare u qaaday dadaaladeeda ku aadan sidii loo kordhin lahaa tayada alaabaha kala duwan ee soo galaya dalka.