U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya iyo Xafiiska UNSOM oo Ka Wadahadlay Marxaladda Kalaguurka ah

Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadal la billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu yahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha Xafiiskaas oo maalmahaan dambe hadalheyntiisu xiritaanku ay socotay.

Kulankaan oo ay isku hor fariisteen Guddi farsmo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay howshaa u xilsaartay iyo Guddi farsamo oo ka socda UNSOM ayaa lagu gorfeeyay sidii wax looga badeli lahaa nuuca shaqo ee xafiiskaan iyo in gabi ahaanba Meesha laga saaro sida la qorsheeyay.

Wadaxaajoodkan oo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya, kaas oo muddo dheer kasoo howlgalay dalka intii uu dib u dhiska ku jiray xafiiskaan.

Howlaha xafiiska UNSOM ee siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qaramada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood.

Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf Garaad Cumar, dhinaca UNSOM,waxaa Hoggaamiayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, xilli James Swan uu kaga qeybgalay qadka Teleefanka.

Gabagabada warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadani astaan u tahay horumarka ay gaartay Dowladnimada Soomaaliya, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Soomaaliyaa xubin ka noqon doonto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo dhowaan at ku guuleysatay.