U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Gaza, Xilli Israel ay La Kulmeyso Cambaareyn Xooggan

Lix falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacantay Daanta Galbeed xilli ciidamada Israa’iil ay duulaan ku qaadeen, waxaana isisoo taraya eedeymaha loo jeedinayo Israel, kadib dhacdadii ay ku kaceen ciidankeeda oo lagu tilmamay iney xeerarka dagaalka jabiyeen.

Wakaalada wararka ee Wafa ayaa ku warameysa in ciidamada Israel ay rasaas ku fureen dad Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa magaalada Ar-Ram ee dhulka la heysto ee Daanta Galbeed.
Dhanka kalena Ciidamada Israa’iil ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen xeerarka caalamiga ah ee dagaalka markii gaari nooca dagaalka ah ay afka hore uga xireen nin dhaawac ah oo ay qabteen.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa dhacdadan xaqiijiyay kadib markii laga soo duubay muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada.

Bayaan kasoo baxay Ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa lagu sheegay in ninkan uu ku dhaawacmay rasaas ay isweydaarsadeen intii uu socday weerarka, uuna ahaa tuhmane.

Ehelada ninka la dhaawacay ayaa sheegay in markii ay dalbadeen ambalaas ay ciidamadu kaxeysteen, kadibna ay ku xireen boonedka ama afka hore ee gaariga oo noociisu ahaa Jeep ay wateen kadibna ay kaxeysteen.

Sidoo kale maalinkii shalay ahaa Armenia ayaa si rasmi ah u aqqoonsatay dawladnimada Falastiin, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Armenia.

Armenia ayaa taageertay qaraar Qaramada Midoobay ay ka soo saartay xabad joojin deg deg ah oo lagu joojiyo dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas ee ka socda Gaza, waxaana uu dalkaasi taageersan yahay in xal laba dawladood ah laga gaaro colaadda Falastiin iyo Israel, ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Israel ayaa u yeertay safiirka Armenia ka dib markii Armenia ay aqqoonsatay madaxbanaanida Falastiin, sida uu bayaan ku sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda.