U bood dhigaalka

Maxaa Ka Taqaanaa Suugaanta u Gaarka ah Munaasabadda 26-ka June?

Maanta waxay ku beegantay 26-ka juun oo ah kolkii ay Soomaalidu ka hoos baxeen labadii gumeysi ee amminta dheer silcinaayay midkood, islamarkaana Calan gobanimo astaan u ah laga taagay goob geyiga Soomaaliyeed kamida.

Gobollada waqooyi ee dalka ayaa maanta oo kale 64 sano ka hor madax-bannaanidooda ka qaatay gumeystihii Ingiriiska, xilligaas oo ku beegan sanadkii 1960-kii, waana dharaar muhiim ah oo dadka soomaaliyeed ku weyn.

Sanad walba markii la gaaro maalintan waxaa la qabtaa munaasabado dabaaldeg ah oo lagu xusayo dharaarta kamida ah ciidaha dad Soomaaliyeed, islamarkaana abde iyo muunad weyn u leh.

Suugaanta maalinta iyo kuwa xega oo todobaadka madax-bannaanida dalka ku astaysan ayaa waxaa kamid ah Geeraarka caanka ah ee Cabdullaahi Suldaan timacadde uu beerta xorriyadda ee magaalada Hargeysa ka jeediyay 1960-kii, 26-kii juun.

Suugaanta kale oo xul kamida maalmahana sida gaarka ah loo dhageysto waxaa kamid ah heesaha calanka oo ay ugu horayso midda ay dhextaalka u tahay qolo calankeedu waa cayn, oo uu sameeyay Abwaan Cabdullaahi Maxamuud maxamed oo Cabdullaahi Qarshe ku magac dheeraa Allaha u naxariistee.

Sidoo Kale waxaa kamid ah heesta maandeeq oo uu xoriyay oo uu curiyay Abwaan Saxardiid Maxamuud Jabiye Allaha u naxariistee, uuna qaado Hoobalkii Weynaa ee maxamed Axmed Kuluc.

Waxaa kale oo heesaha xorriyadda kamid ah heesta caanka ah ee goormaan ladnaanay oo uu sameeyay Abwaan Siciid Xarawo oo hadda Muqdisho ku nool.

Dhammaan haldoorka suugaantan xoriyay oo uu ku jiro halgamaagii calanka sameeyay Maxamed Cawaale Liibaan ayaa haatan mootan oo sanado hore dhintay, marka laga reebo Abwaan Siciid Xarawo oo qudhiisu jeerkan gabow la tiicaya, waxayna inaga mudanyihiin duco iyo ku dayasho.