U bood dhigaalka

Dowladda Jabuuti oo Maanta u Dabaaldageysa 47-sano-guuradii Kasoo Wareegtay Xornimadeeda

Waxaa maanta dalka Jamhuuriyadda Jabuuti looga dabaaldagayaa maalintii xornimada uu dalkaasi ka qaatay gumeystihii Faransiiska oo muddo dheer ka talinayay sanadkii 1977, waxaana habeenkii xalay dhacday munaasabad weyn oo lagu maamuusayay arrintaasi.

Xuska munaasibadda 47-sano guuradii ka soo wareegatay markii xurnimada Jabuuti ay ka qaadatay gumeystaha Faransiiska, Jabuuti ayaa kamid aheyd 5tii gobo lee Soomali degijirtay ka hor inta uusan gumeystaha uu u kala qeybin 5-ta Soomaali.

Dhulka Soomaaliyeed, taariikh ahaan, waxaa la qeybiyay 1884-tii gaar ahaan shir loogu magac daray shirkii Berlin, waxaa shirkaas ka soo qeyb-galay gumaystayaashii reer Yurub, Mareykanka iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, waxaa lagu qeybsaday Afrika,

Dalka Soomaaliya waxaa loo kala saaray Shan qeybood oo kala ah: Koofurta Soomaaliya ee  loo biyay Italian Somaliland, Gobollada Waqooyi oo loo bixiyay British Somaliland, , Djibouti oo cadawda Faransiiska la siiyay , Nfd, Soomaali galbeed Itoobiya iyo Kenya lagu daray.

Dalka Djibouti waxaa uu xuriyad ka qaatay Faransiiska June 27, 1977, Madaxweynihii ugu horeeyay Djibouti waxaa noqday Xassan Guuleed Abtidoon, Caasimadda Waa Djibouti, Waxaa looga hadlaa Af-Somali, Afka Faransiiska, Afka Carabiga iyo Afka Cafarta.

Dowladda Soomaaliyeed oo markaas xornimadeeda heysatay kuna midowday gobolladii Koonfur iyo Waqooyiga baadi goobna ugu jirtay sedexdii gobo lee maqneyd, ayaa kalin muhiim ah ka geysatay dadaalka loogu jiray xornimo gaarsiinta dowladda Jabuuti.

Magaalada Djibouti marka laga soo tago, Waxaa jira magaalooyin kale oo caan ah sida Arta oo xusuus gaar ah ku leh dadka Soomaaliyeed , Taourah,   Cali Sabeih, Obok, Dakhil, lacagta laga isticmaalo Franc waxaana ugu dambeyn ay gaareen hadafkoodii ahaa guul.

Dalkaasi xuriyaddiisa waxaa u soo halgamay dad badan, Laakin waxaan ka xusi karnaa Maxamuud Xarbi,  Xarbi waa geesi u dagaalamay Xoraynta dhulka Xeebta Soomalida(Jabuuti), dalkan Masar ayuu wax ku bartay halkaas oo muddo ku sugnaa halgankiisa kasoo bilaabay.

Ururkii  PMP ayuu ku dhisay, isaga oo si cad u mucaaraday joogitaanka Faransiinska ee Jabuuti, ugu dambeentii cadawga Faransiiska ayaa diyaarad kula qarxiyeen badda dusheeda halkaana waxaa ku shahiisay geesiga Maxamuud Xarbi iyo ajaanib kale oo diyaaradda la socday.

Djibouti, Maanta waa dal, Laakin waxaa ummadda Soomaaliyeed u qabteen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay kadib shirar badan oo dib u heshiisiin ah, dalka Djabuti waxaa ka dhacay shirar dib u heshiisiin, kuwaas oo loo qabtay dadkii Soomaaliyeed ee dowladdu ka luntay.

Waxaa  lagu dhisay 3 dowlad Soomaaliyeed, Sida dowladihii Cali Mahdi Maxamed, Cabdiqasim Salaad Xasan iyo Sheekh Sharif Sheekh Axmed, maanta waxaa ay ciidamadooda nabad ilaalin u joogaan gudha Soomaalida, dadka qaar waxaa ay ugu yeeraan xiligan la joogo Hiilwalaal.

W/Q/ Abdi Aziz Ahmed Gurbiye