U bood dhigaalka

Kuuriyada Waqooyi oo Sheegtay Iney Ku Guuleysteen Tijaabinta Gantaalaha Madaxa Xambaara

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku guulaysatay inay samayso Tijaabo muhiim ah oo looga dan lahaa in lagu horumariyo Gantaallada xambaarsan madaxyo badan, sida ay sheegtay wakaaladda warbaahinta dawladda ee KCNA.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegashadaas diiday, ayadoo ku tilmaantay khiyaano ay xukuumadda Pyongyang ku qarinayso sida ay ugu guuldaraysatay gantaal dayax gacmeedka wax basaasa qaada oo ay dhowaan tijaabisay.

Kuuriyada Waqooyi ayaa saaka oo khamiis ah sheegtay in tijaabadan la sameeyay arbacadii, iyadoo la adeegsanayo heerka koowaad, mishiinka shidaalka adag ee gantaalaha riddada dhexe.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa maalin ka dib markii militariga Kuuriyada Koonfureed uu sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay ridday wax u muuqda gantaal oo ku qarxay xeebteeda bari.

Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegtay in gantaalku uu ku guulaystay in uu kala saaro madaxyada dagaalka, kuwaas oo si sax ah loo hagay saddex bartilmaameed oo hore loo qorsheeyay.

Xukuumadda Pyongyang ayaa ku howlan hormarinta hannaankeeda difaaca oo ay gantaallada casriga ah iyo qalabka kalee militariga ugu horeeyaan,ayadoo sameysa tijaabooyin is daba joog ah.