U bood dhigaalka

Doorashada Madaxtinimada Iran oo Maanta loo Dareerayo, Kadib Geeridii Madaxweynihii Hore

Dadka reer Iran ayaa maanta u dareeraya goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda islaamiga ah oo ay ku tartamayaan afar musharax ka dib geeridii madaxweyne Ibrahim Raisi.

Doorashada madaxtinimada ayaa loo qorsheeyay 2025-ka, balse geerida ku timid madaxweynaha Iran ibrahim Raisi iyo toddobo ka mid ahaa saaxiibadiisa oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay waqooyi galbeed ee dalka 19-kii May ee sanadkan.

Doorashadan waxay dhacaysaa iyadoo Iiran ay wajaheyso xiisaddo gudaha ah iyo kuwo siyaasadeed, laga soo bilaabo dagaalka Qasa ilaa faylka nukliyeerka.

Golaha Ilaalada, oo ah hay’ad aan la soo dooran oo ay u badan yihiin muxaafid, ayaa ansixiyay u-qalmitaanka lix murashax, oo ka mid ahaa siddeetankii soo gudbiyay murashaxnimadooda.

Pazashkian, oo 69 jir ah, ayaa ka mid ah saddexda musharax ee ugu cadcad ee la filayo in doorashada jimcaha maanta inay bedeli doonaan madaxweyne Ebrahim Raisi oo geeriyooday.

Labada musharax ee kale ayaa kala ah afhayeenka baarlamaanka muxaafidka ah, Mohammad Baqir Qalibaf, iyo muxaafidka mayalka adag, Siciid Jalili.