U bood dhigaalka

Madaxweynaha Bolivia oo Meesha Ka Saaray Inuu Wax Ka Ogaa Arrimaha Afgambigii Fashilmay

Madaxweynaha Bolivia Luis Arce ayaa beeniyay inuu ku luglahaa ama uu horay u ogaa isku daygii afgambi ee dhicisoobay ee dhowaan ka dhacay dalkaas, kaas oo uu hoggaaminayay taliyihii hore militariga oo ku eedeeyay madaxweynaha in uu ka codsaday in uu sameeyo wax uu kor ugu qaadayo sumcadiisa.

Arce ayaa u sheegay suxufiyiinta mar uu shir jaraa’id ku qabtay xarunta dowladda in aanu taliyuhu waxba ka ogeysiin qorshihiisa inqilaabka, islamarkaana aanu ka war hayn waxa uu damacsanyahay.

Abaabulka cutubyo militari ayaa arbacadii la arkay, kuwaas oo uu Juan Jose Zuniga isugu soo uruuriyay fagaaraha weyn ee caasimadda La Paz, isaga oo albaabka qasriga madaxtooyada ku garaacay baabuur gaashaaman si ay askartu ugu daataan dhismaha.

Wakaaladda wararka maxalliga ah ee Fides ayaa tibaaxday in Zuniga uu u sheegay booliska in madaxweyne Arce uu saddex maalmood ka hor u oggolaaday inuu abaabulo baabuurta gaashaaman , iyada oo ujeedadu tahay in lagu xakameeyo xaaladda cakiran ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee daba-galka isku daygii afgambi ee dhicisoobay ee arbacadii ka dhacay dalkan xiran oo ku yaalla koofurta ameerika ayaa socda, ayadoo saraakiil badan xabsiga loo taxaabay.