U bood dhigaalka

Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Ciraaq oo Gaaray Baqdaad iyo Madaxweynaha oo Warqadaha Ka Guddoomay

Madaxweynaha dowladda Ciraaq Mudane Cabdiladiif Jamaal Rashiid ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee dowladda federalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed oo gaaray magaalada Baqdaad.

Safiir Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa salaan uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Madaxweynaha dowladda Ciraaq, una sheegay in xariirka labada dal ee walaalaha ah la sii xoojin doono.

Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq ayaa horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federalka  Soomaaliya isagoo hadda noqday safiirka dalka Ciraaq.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada dadaallo lagu buuxinayo boosaska safaaradaha dowladda Soomalaiya ee caalamka ku eedahay ee dib loosoo celinayo, kadib muddo soo kabasho dowladdu ku jirtay.