U bood dhigaalka

Xabsi Miyaa Laga Sii Daayay Mise Xalqad Waxbarasho Ayaa u Dhammaatay Ardayda?

Sheeko:Waxbarashada

Sanad walba waxaa dugsiyada sare ee dalka ka baxa oo ka qalin jabiya kumanaan kun oo arday ah, kuwaas oo ka tallaabay mid kamida ah jaranjarooyinka lama dhaafaanka ah ee waxbarashada udub-dhaxaad ah u ah, oo ay gu’yaal badan ku soo dhex jireen.

Guul kastoo la hanto iyo gabangabada howl sidii loo rabay u hirgeshayba dareen togan baa ka dhashee, ardaydaasi todobaadyada ugu dambeeya ee wax-dhigashadooda, gaar ahaan markay imtixaanka ka gudbaan waxay sameystaan dabbaaldegyo waaweyn iyo damaashaadyo farxadeed.

Qaarkood dharkii ay muddada dheer wax ku soo baranayeen ee ardaynimadooda astaanta u ahaa ayay jeex-jeexaan, qaar kalena qoraallo dareen len ayay ku xardhadaan, ayagoo muujinaya inay gaaraan hadaf ay ammnin dheer sugayeen.

Waa run oo guul weyn dabaaldeg mudan way gaareen oo hormar waxbarashado oo ayaga, waalidkood, iyo dalkoodaba dan u ah ayay ku tillaabsadeen, intooda badanna dareenkaas ayaa farxaddooda gundhig u ah.

Ardayda aragtidaas qaba ee rumaysan in geedi waxbarasho oo tobanaan sano socday ay ka gudbeen, waalidkoodna uu ka nasan doono qarashkii uu dugsigooda, bareegooda, biilkooda, iyo baabuur raacooda ku bixin jiray, oo ay ayagu noloshooda ku filnaan doonaan, qoyskoodana waxtari doonaan ayaa ah kuwa damaashaadkoodu u riyaaqidda mudanyahay.

Balse waxaa jira qaar kale oo niyaayarkooda ay saldhig u tahay inay dugsigii kala dhammaadeen oo ay casharada ka nasan doonaan, iyagoo u arkaya lur iyo dhibaato ay ka soo gudbeen, ka dibna ay hurdo iyo baashaal ka bogan doonaan.

Kuwa noocaas ah ee la dhacsan in dugsi dambe aanay u jarmaadi doonin oo buugaagtii ay xambaarsanaan jireen ka farxasheen, lugtii jiilaaloo dhaaftayna Illaahay uga dhigo, markii aad aragto waxaa is weydiinaysaa ” ma xabsi baa laga sii daayay mise xalqad waxbarashaa u dhammaatay?”.

Si kastaba ha ahaatee ardayda intooda badani waxay ka simanyihiin isku tashi la’aanta oo waxay jecel yihiin in markay qalin-jabiyaan shaqo diyaarsan faraha laga saaro, haddii kale ay guryohooda hurdaan raashin uu waalidkood dhib iyo xamaal ku keenayna ay fadhi ku cunaan.

Aragtida caynkaas ihi waxay kamid tahay dhaliiilaha waxbarashadeena iyo Afrikaanka oo dhan, maxay yeelay ardayda dunida kale hal-abuur iyo alifaadda wax cusub ayay ku dhaqaaqaan markay qalin-jabiyaan.