Safiirka Cusub ee Dpwladda u Magacowday Liibiya oo Warqadaha Aqoosiga Laga Guddoomay
Sheeko:Warar & Warbixino
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2024/06/30144205/WhatsApp-Image-2024-06-30-at-14.26.20.jpeg)
Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan u magacaabatay dalka Liibiya ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo si rasmi ah looga Guddoomay, taas oo qeyb ka dib usoo celinta safaaradaha dalka.
Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya Mudane Dr. Maxamed Yuunis Al-Manfi ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjire Cabdi Aadan Diiriye, oo Soomaaliya u fadhin doonaa dalkaas.
Labada dal oo ka wada tirsan dowladaha jaamacadda Carabta ayaa leh xariir qoto-dheer, ayagoo dano badan wadaaga, sidoo kale Liibiya waa dalka ay sii maraan tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ugu badan, kuwaas oo halkaas kala kulma dhibaatooyin iskaashiga labada Xukuumadood lagu xallin karo.