U bood dhigaalka

1-da Luulyo iyo Sida Looga Xusay Gobollada Xilli Calanka Buluugga 33 Sano Kadib Laga Taagay Laascaanood

Munaasabadda xuska 1-da Luulyo ayaa habeenkii xalay siweyn looga xusay dowlad goboleedyada dalka, taas oo lagu weynaynayay maalintii xornimada qaateen gobollada Koonfureed iyo midowgii labada gobo lee lagu unkay Jamhuuriyadda Soomaaliya sanadkii 1960-kii oo dowladnimo la helay.

Munaasabado  waaweyn ayaa ka kala dhacay  magaalooyinka Garowe, Kismaayo, Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Laascaanoon oo 33 sano kadib markii ugu horeysay looga dabaaldegay xuska 1-da Luulyo, tan iyo markii maamul KMG ah loo aqoosaday SSC Khaatumo oo maamul buuxa sugaya.

Magaalada Garoowe

Munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeybgalay Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Mudane Ilyaas Osmaan Lugatoor, isagoo ugu hambalyeeyay bulshada ku dhaqan deegaannada maamulkaasi munaasabadda Luulyo.

Dabaaldegga xuska oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa kasoo qeybgalay mus’uuliyiin kale, cutubyo ka tirsan ciidanka iyo bulshada caasimadda, kuwaas oo muujinayay dareenkooda ku aadan munaasabadda weyn ee 1-da Luulyo oo ah 64-sano guuradii xornimada iyo midowga.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sidoo kale ka qeybgalay munaasabadda calan saarka oo ka dhacday madaxtooyada, xilli ciidanka ilaalada uu ka qaatay salaam Sharaf markii la saaray, Garoowe ayaa laga dareemayay xalay in siweyn loo xusay xornimada iyo midowga Koonfur iyo Waqooyi ee Luulyo.

Magaalada Dhuusamareeb

Sidoo kale munaasabad weyn oo ka dhacay xarunta madaxtooyada maamul goboleedka Glamudug ee magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kasoo qeybgalaya madaxweynaha dowlad goboleedka Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, goleyaashada maamulka iyo bulshada isaga yimid deegaannada.

Magaalada Dhuumareeb ayaa noqotay magaalo siweyn looga maamuusay xuska 1-da Luulyo oo ah maalintii xornimada qaateen gobollada Koonfureed iyo midowgii labada gobo lee lagu unkay Jamhuuriyadda Soomaaliya sanadkii 1960-kii oo dowladnimo la helay iyo Jamhuuriyad xor ah.

Canka Buluugga ah ayaa laga taagay bartamaha xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug waxaana salaam siiyay cutubyo ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada iyo Daraawiishta oo ku sugnaa goobta munaasabaddu ay ka dhaceysay, xilli sidoo kale shacabku door muuqda lahaayeen.

Magaalada Kismaayo

 Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Xarunta daawad kaga qeygalay munaasabada xuska 1da Luulyo ee xornimada gobollada Koonfureed iyo midowga labada gobolka ee Waqooyiga iyo Koonfurta, taas oo lagu dhisay jamuuriyadda Soomaaliya.

Mas’uuliyiin kala duwan, cutubyo ka tirsan ciidanka daraawiishta iyo bulshada qeybaheeda,kuwaas oo qeyb ka qaadanayay xuska weyn ee maalinta 1-da Luulyo, waxaana siweyna magaalada Kismaayo looga dareemayaa xuska iyo sida bulshada iyo mas’uuliyiinta dowlad goboleedku ugu dabaaldegayaan.

Goobta ay munaasabadda ka dhacay ayaa sidoo kale waxaa laga taagay calanka Jamhuuriyadda oo xalay u aheyd 64-sano guuradii kasoo mareegatay markii uu gumeysteyaashii Taliyaaniga iyo Ingiriiska uu ka xoroobay lana helay jamhuuriyadda uu astaanta u yahay Calanka ee lagu yaqaan ee Soomaalia.

Magaalda Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kagala qeybgalay munaasabadda lagu weynaynayo 1-da Luulyo, taas oo ah 64-sano guuradii kasoo wareegtay xornimadii iyo midowgii.

Munaasabadda ayaa qeybgalay masuuliyiinta dowladda, saraakiil ciidan  iyo qeybaha kala duwan Bulshada, kuwaas oo muujinayay dareenkooda ku aadan maalintaan weyn ee munaasabadda Luulyo, waxaana Baydhabo xalay ay kamid aheyd magaalooyinka siweyn looga xusay maalinta Qaranimada.

Calanka Jamhuuriyadda oo ayaa sare loo qaaday bartamaha xarunta madaxtooyada cutubyo ka tirsan Daraawiishta iyo ciidanka xoogga qeybta 60-aada ayaa maamuus iyo salaam Sharaf siiyay, Luulyo ayaa sanadkaan u muuqata mid ka duwan sanadadii tagtay marka la eego wacyiga bulshada.

Magaalada Laascaanood

Maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo oo dhowaan helay aqoonsiga dowladda dhexe ayaa habeenkii xalay 33 sano kadib waxaa laga taagay calanka Buluugga ah, Laascaanood ayaa xalay waxay u aheyd habeen u gaar ah oo ay ka miro-dhalisay dadaalkii muddo lagu doonayay maamulka Khaatumo.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka cutubyo ka tirsan ciidanka daraawiishta maamulka ayaa ka qeyb galay munaasabadda 1-da Luulyo, waxaana magaalada Laascaanood siweyn looga dareemayaa isbedelka laga sameeyay dhinaca maamulka waxaana bulshadu ay isugu hambalyeeynayaan luulyo.

Calanka Buluugga ah ayaa laga taagay bartamaha magaalada muddo 33 sano kadib ah, Khaatumo ayaa ah maamul sugayo inuu dhowaan aqoonsi buuxa uu ka helo dowladda federalka, kadib dagaal muddo socday oo Somaliland ciidankeeda looga saaray magalaada oo muddo ay ka arriminayeen.

Magaalada Jowhar?

Maamul goboleedka Hirshabeelle oo heysta sharciyad buucda ayaa haddana xilligaan wajahaya xasarad siyaasadeed oo xalay majirin xus ka dhacay munaasabad ah oo lagu weynaynayay marka laga reebo hambalyada madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe uu la wadaagay shacabka.

Wadashaqeynta magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid hoos u dhacday, taas oo saameyn xooggan ku yeelatay wadashaqeynta guud ee maamulka, laakiin Cali guudlaawe iyo madaxweyne ku-xigeenka Yuusuf dabageed ayaa siyaabo kale duwan u hambalyeeyay.