U bood dhigaalka

Boqorka Ingiriiska oo Shacabka Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Maalinta Qaranimada 1-da Luulyo

Boqorka dalka boqortooyada midowday ee Ingiriiska mudane King Charles ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta ciidda qaran ee sanad guurada 64-aad ee 1-da Luulyo.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa dabaal degga maalinta xorriyadda ee kowda Luulyo. Mudane madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aniga iyo xaaskeyga farxad weyn ayay noo tahay in aan dhambaalkan hambalyada ah idiinla wadaagno”, ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga X ee safaaradda dowladda Ingiriiska ku leedahay Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa kamid ahayd guulaysteyaashii ay Soomaaliya madax-bannaanida ka qaadatay, balse hadda waxay kamid tahay saaxiibada iyo xulufada ugu dhow ee dowladda federaalka Soomaaliya.