U bood dhigaalka

Guutooyin ka Tirsan Ciidanka Qaranka iyo Diyaarado Ka Qeyb Qaadanaya Munaasabada Xuska 1-da Luuliyo.

Munaasabada Xuska 1-da Luuliyo ayaa maanta si weyn looga xusaya meelo badan oo ka mid ah dalka, Munaasabadaan ayaa uga duwan Munaasabadihii hore in ay ka qeyb qaadanayaan diyaarado helicopter ah kuwaasoo hawada sare kasoo daadinaya calanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale diyaaradaha ayaa daadinaya warqado ay ku qoran yihiin hal dhigyo ku saabsan midnimada umadda. Waxaa ka mid ah Soomaaliya waa Ul iyo diirkeed.

Guutooyin ka tirsan Ciidanka kala duwan ee dalka sida Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Booliska iyo Ciidanka Asluubta ayaa Munaasabada kusoo bandhigay gaada ka cayaar ay ku muujinaayeen awooda ay leeyihiin Ciidanka Soomaaliya.

Guutooyinka sida gaarka u tababaran iyo gaadiidkooda ayaa dhexmaray Dabka ilaa daljirka Dahsoon iyadoo dadweyne calanka lulaya ay u taagan yihiin hareeraha wadooyinka.

Guutooyinkaan ayaa salaan sharaf ka qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan taalada daljirka Dahsoon ee Muqdisho halkaasi oo lagu qabtay Munaasabada.

Munaasabadaan oo si weyn loogu diyaar garowbay waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay gaadiidka Gaashaaman ee ay ku dagaallamaan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor iyo Danab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkaan u xustay 1-da Luuliyo si weyn taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay midnimada dalka.