Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Ka Qeybgalay Munaasabadda 1-da Luulyo iyo Calan Saarka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo oo ku astaysan 64 sano guurada xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfurta ee 1960-kii.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay musuuliyiin kala duwan oo ka tirsan goleyaasha dowladda, ciidanka cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo salaam Sharaf siiyay calanka iyo madaxweynaha, 64 sano ka hor halkii laga saaray calanka lagu midoobay ee lagu dhisay Soomaaliya.
Dabaaldegga Luulyo ayaa sidoo kale lagu qabtay xarumaha dowlad goboleedyada dalka iyo maamuka Kumeel gaar ah ee SSC Khaatumo oo 33 sano kadib xalay laga taagay calanka Buluugga ah magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo caasimad u ah maamulka SSC Khaatumo.
Xuska 1-da Luulyo sanadkaan 2024 ayaa kaga duwanaa deegaannada qaar sanadadii hore marka loo eego iyadoo dowladdu ay guulo la taaban karo laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo looga saaray deegaanno iyo degmooyin ay muddo dhowr iyo 10 sano ah ay maamulayeem Shababaabku.
Sanad walba maanta oo kale, Soomaaliya waxaa ay 1-da Luulyo u dabaaldegtaa maalin taariikhi ah oo ku asteysan maalintii ay xoroobeen gobollada Koonfureed, midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur isla markaana ay dhalatay Jamhuuriyadda koowaad ee Soomaaliya.