U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Ka Hadalay Nuuca Doorasho ee Dowladdu Qabaneyso 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo wareysi siiyay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay muddada labada sano ah ee u harsan ku qaban karto doorasho kuwii hore ka duwan oo macneheedu yahay qof iyo cod.

“Waxaan aaminsahay in haddii la hagaajiyo nabad-galyada, Alshabaabna laga saaro deegaannada ay weli gacanta ku hayaan in la qaban karo doorasho” ayuu Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur Madoobe, asagoo ka warcelinayay weydiin ahayd ma ballan-qaadi kartaan in doorashado dhacayso.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay muranka ka taagan isbedelka dastuurka cutubyo kamid ah ay ku sameeyeen, wuxuuna sheegay in ciddii loo xilsaaray dhammaystirankiisu ay wax ka badeshay, howl kastoo la qabanayona ay weligeedba dad dhaliilsani jiri jireen.

Doorasho qof iyo cod oo illaa 2015-kii lagu taamayay, Xukuumad walboo timaaddaahina ay ballanqaadka koobaad ka dhiganaysay ayaa ku hirgeli karta dastuurkoo la dhammaystiro, arrinta Soomaaliland oo la xalliyo, iyo dagaalka Alshabaab oo la soo gabagabeeyo.