U bood dhigaalka

Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga oo Muqdisho Ku Qabatay Shirka Sedex Biloodlaha ah

Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta martigelisay Shirka Saddex-biloodlaha ah ee Guddi-hoossaadka Kormeerka iyo Qiimeynta ee Tiirka Horumarinta Arrimaha Bulshada oo ay kasoo qaybgaleen wasaaradaha iyo hay’adaha Federaalka ee hoos yimaada Tiirkan.

Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Maxamud Siciid Nuur ayaa ugu horeyntii faahfaahiyay muhiimadda shirka iyo shaqada ballaaran ee hortaalla Guddi-hoosaadka Kormeerka iyo Qiimaynta, isagoo tibaaxay sida guddi hoosaadkan uu muhiim ugu yahay lasocodka iyo qiimeynta qorshe-howleeedka hay’adaha ka shaqeeya dalka oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah.

Shirka waxaa si qotto-dheer loogu falanqeeyay sidii kormeer iyo qiimeyn joogta ah loogu samayn lahaa Qorshe Howleedka 2024 ee hay’addaha Dawladda, kuwa Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya Horumarinta Arrimaha Bulshada, iyadoo intii uu socday shirka lagu soo bandhigay Qorshe Howleeedka hay’adaha qaramada midoobay ee 2024-ka, Nidaamka Danabaysan ee Kormeerka iyo Qiimeynta (e-NIMIS), Shaxda Xog-ururinta Waxqabadka Dowladda ee 2024-ka iyo Tix-raaca shaqo ee guddi-hoossaadka Tiirka Arrimaha Bulshada.

Wasaaradaha iyo hay’adaha hoos yimaada Tiirka Arrimaha Bulshada ayaa kala ah: Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Waxbarashada, Caafimaadka, Haweenka, Tamarta, Warfaafinta, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Dhallinyarada iyo Cayaaraha iyo Hay,adda Maaraynta Musiibooyinka.

Gabagabadii, waxaa hoosta laga xariiqay la-socodka iyo qiimeynta qorshaha hay,adaha QM iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee 2024-ka si waafaqsan tilmaamayaasha iyo halbeegyada ku cad Siyaasadda Qaran ee kormeerka iyo Qiimeynta oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.