U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya Todobaadkaan?

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga iyo Xeer-Nidaamiyaha Maaraynta Maaliyadda Guud, Siyaasadda Deymaha iyo Hannaanka Amaahashada iyo Soosaarista Damaanadaha.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo soo bandhigtay Waddooyin laga dhisay Garowe, Baydhabo Iyo Kismaayo Iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhiso magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha.

Golaha Wasiirrada ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Difaaca howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Shabaab ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka, waxa uu goluhu bogaadiyey howlgalladii ugu danbeeyey oo deegaanno dhowr ah laga saaray Al-shabaab