U bood dhigaalka

Ganacsatada Soomaaliyeed oo Soo Dhoweysay Duulimaadyada Tooska ah ee Masar iyo Soomaaliya

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa siweyn soo dhoweeyay duulimaadka tooska ah ee Soomaaliya ay ka bilowday diyaaradda Egypt Airweys, waxaana ay sheegeen in ay fudeynayso ganacsiyada ay dalkaas la wadaagaan, xilli Masar ay kamid tahay dalalka xiriirka qotada dheer la leh dowladda Soomaaliyeed.

Guddoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Soomalaiyeed Yuusuf Galadi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qiima weyn ugu fadhiso bulshada Soomaaliyeed dib u bilaabashada duulimaadyada shirkadda diyaarada Egypt Airweys oo shalay laga daahfuray duulimaadkeedka magaalada Muqdisho.

“Annaga ganacsato ahaan aad ayaan soo dhoweynaynaa, fursad fiican bey noo tahay waana u hambalyeynaynaa, waxaana ay qeyb weyn ka qaadanaysaa shaqo abuurka iyo isku xirka ganacsiga, dhallinyada kasoo shaqeysanayna waxaan leenahay aad ayaad u mahadsan tihiin’ ayuu yiri.

Muddooyinkii dambe waxaa Soomaaliya kusoo badanayay duulimaadyada caalamiga ah, kuwaas oo aad u kordhiyay xiriirka ganacsatada Soomaaliyeed la leeyihiin dunida, waxaana ay sahashay in dalka ay ka hirgalaan ganacsiyo calami ah, shacabka Soomaaliyeed ayaa si maalinle ah ugu duula qadadka.

Dalka Masar ayaa dhowaan Soomaaliya la saxiixday  heshiiyo dhanka amniga, waxbarashada iyo kor u qaadidda ganacsida labada dhinac, waxaana arrintaas ay fududeysay in diyaaradda Egypt Airweys ay dib u soo celiso duulimaadkeeda Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii