U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Maanta Yeeshay Kulankii Labaad ee Kalfadhiga 5-aad

Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe waxaa ugu horeyn Xildhibaanada loo qeybiyay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise-Sharciyeedka Maalgashiga Soomaaliyeed Iyo Hindise-sharciyeedka Shaqada Soomaaliya.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dood wakhti badan qaadatay ka yeeshay dhismaha hay’adaha madaxa banaan ee aan miisaaniyadda lahayn, waxaana Mudanayaasha Golaha Shacabka ay badankood sheegeen in marka hore dib u eegis lagu sameeyo hay’adihii hore u dhisnaa dibna Golaha loogu soo celiyo si loo kala saaro hay’adaha sharciga ku dhisan Iyo kuwa aan sharciga ku dhisneyn.

Maadaamaa Xildhibaano tiro badan ay is qoreen si ay fikirkooda uga dhiibtaan ka doodista dhismaha hay’adaha madaxa bamaan ee aan miisaaniyada lahayn, waxaa haray oo aan weli fikirkooda dhiiban ilaa sideed Xildhibaan,iyadoo dooda ajendahan la xiriirta la dhameystiri doono kulanka kan xiga oo dhici doona maalinta isniinta ah sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo kulanka soo xiray.