U bood dhigaalka

Kulluunka Soomaaliya oo Suuq Weyn Ka Helaya Bariga Afrika, Kadib Ku Biirista (EAC)

Ayadoo ay Soomaaliya dhowaan ku biirtay Ururka iskaashiga dhaqaale bulshada bariga ayaa waxaa socda dadaallo ku aadan sidii kamid noqashadaas toos loogu dhaqan-gelin lahaa, islamarkaana Soomaaliya ay wax soo saarkeeda ugu iib geyn lahayd dalalka xubnaha ka ah ururka.

Kalluunka oo kamida kheyraadka ugu badan ee ay Soomaaliya haysato ayaa kamid ah waxyaabaha lagu taamayo in dalalka bariga Afrika Suuq ballaaran looga helo, ayadoo laga faa”iidaysanayo ku biiristii ururka ay intooda badani ku mideysanyihiin ee dhowaan lagu guulaystay.

Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan ayaa sheegay in Kuluumaysatada Soomaaliyeed ku biirista urur Gobaleedkaasi ay u tahay fursad qaali ah, islamarkaana uu suuq weyni ugu furanyahay  kallunka dalka oo loo iib geeyn karno.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kallunka iyo waxyaabaha kale ee ay Soomaaliya dhoofin doonto canshuur dhaaf loo sameyn doono, ama wax yar oo laysla ogyahay laga qaadi doono, sidoo kalena ay dalka kenya heshiis gaar ah oo wax soo saarka badda la xariira la galeen, islamarkaana dhowaan malayga Soomaaliya loo iib geyn doono.

Arrin ayaa fursad weyn u noqan doonta kalluumaysatada Soomaaliyeed, sidoo kale kobaca dhaqaalaha dalka ayay kaalin weyn ka qaadan doontaa haddii hirgelinteeda lagu guulaysto, Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dalalka leh kheyraadka Kalluunka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ku biirtay suuqa bulshada Bariga Afrika, waxaana looga fadhiyaa in ganacsiyo kale duwan ay la wadaagaan dalalka ku jira, Xilligaan waxaa lasoo warinayaa in Kalluunka uu helayo suuq fiican xilli xoolaha iyo khudaarta la filayo.