U bood dhigaalka

Madaxweynaha Masar oo Warqadaha Aqoosiga Ka Guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda masar Mudane Cabdifitaax casiisi ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay diblumaasiyiin uu ku jiro safiirka dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalkaas.

Danjiraha cusub ee Soomaalia ee Masar mudane Cali Cabdi Awaare ayaa waraaqihiisa u gudbiyay madaxweynaha Masar Cabdifitaax Alsiisi, ka dibna munaasabad kooban oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada.

Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa sidoo kale Soomaaliya u qaabilsanaan doona ururka jaamacadda Carabta oo fadhigiisu yahay isla magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaas.

Xariirka labada dal oo soo jireen ah ayaa hadda ah mid aad u wanaagsan, ayadoo ay masar kamid tahay xulufada Soomaaliya sida weyn u garab istaagtay, ka dib markii ay Itoobiya ku dhaqaaqday falka guracan oo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dhanka ah.