U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Hormarinta Qaranka oo Muqdisho Ka Dhacay?

Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka (National Development Council) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoomiyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiyaha Golaha Horumarinta Qaranka, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene).

Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiirka Qorsheynta Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Mudane Axmed Cali Maxamed, Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Cali, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Nuur Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamed Shire, Agaasimyaasha Guud ee Dowlad Goboleedyada, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Qorsheynta, iyo la taliye-yaal sare.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ah ee Golaha Horumarinta Qaranka uu hayo iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada horumarineed ee dalka oo dhan.

Qodobada Muhiimka ee Kulanka

  1. Joogteynta Kulamada:
    Golaha Horumarinta Qaranka ayaa isku raacay in la joogteeyo kulamada Golaha si loo xoojiyo ka wada-shaqeynta dhammaan howlaha shaqo ee ka dhaxeeya Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
  2. Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025 -2029):
    Goluhu waxa uu si wadajir ah diiradda u saaray dar-dar gellinta diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaran kaas oo bedelaya Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad ee gebo-gebada ah. Dowlad Goboleedyada waxaa laga taageeri doonaa diyaarinta iyo dib-u-eegista qorsheyaasha horumarineed si loo waafajiyo Qorshaha Isbedelka Qaranka.
  3. Xalka Barakacayaasha:
    Goluhu waxa uu isku raacay in xal waara loo helo barakacayaasha dalka ku sugan iyo in la dar-dar geliyo dhameystirka diyaarinta Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara. Qorshahan waxaa loogu talogalay in hal milyuun oo barakacayaal ah looga saaro xaaladaha barakac ee ay ku sugan yihiin sida waafaqsan Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara.
  4. Dhiirigelinta Maalgashiga:
    Goluhu waxa uu isku raacay xoojinta dadaallada dhiirigelinta maalgashiga caalamiga ah si looga wareego gar-gaarka bini’aadminimo loona wareego horumarinta dalka. Waxa uu ku baaqay in la dhameystiro dhammaan shuruucda qabyada ah (heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed), gaar ahaan kuwa hor yaalla Golaha Baarlamaanka sida Sharciga Maalgashiga Soomaaliya.
  5. Kormeerka iyo Qiimeynta:
    Goluhu waxa uu isku raacay in la xoojiyo nidaamka Kormeerka iyo Qiimeynta dalka si loo xaqiijiyo in dhammaan mashaariicda dalka ka socdaa waafaqsanyihiin Qorshaha Horumarinta Qaranka. Waxa uu soo dhaweeyay ansixinta Siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimaynta oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada XFS, iyo xoojinta fulinta iyo dhaqangelinta siyaasadda.

Golaha Horumarinta Qaranka waxa uu ka kooban yahay Wasaaradaha Qorsheynta ee labada heer ee Dowladda (Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowlad Goboleedyada dalka), taas oo sare u qaadaysa wada shaqeynta iyo horumarinta qorsheyaasha dalka.