U bood dhigaalka

Munaasabad Lagu Shaacinayay Qiimeynta Manhajka Qaranka iyo Habraacyada Mashaariicda oo Muqdisho Lagu Qabtay

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Munaasabad lagu shaacinayay daahfurka Diyaarinta Manhajka Qiimeynta Qaranka iyo Habraaca/Hagaha Qiimeynta Mashaariicda Dalka.

Ujeedada Diyaarinta Manhajka Qiimeynta Qaranka iyo Habraaca/Hagaha Qiimeynta Mashaariicda Dalka ayaa ah in sare loogu qaado go’aan gaaris istiraatijiyadeed, la waafajiyo dareenka, qiyamka iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed diyaarinta Manhajka Qiimeynta Qaranka iyo Habraaca/Hagaha Qiimeynta Qaranka, kobcinta aqoonta hay’adaha Dowladda ee ka shaqeeya qiimeynta mashaariicda dalka, dhiirigelinayana la qabsiga barashada joogtada ah, iyo dhisidda adkeysiga, xoojinta hay’adaha, iyo ka qaybgalka bulshada iyo lahaanshaha.

Munaasabadda Diyaarinta Manhajka Qiimeynta Qaranka iyo Habraaca/Hagaha Qiimeynta Mashaariicda Dalka, waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), iyo Ku-simaha Isu-duwaha Qaramada Midoobay ee Gargaarka Bani’aadantinimada, ahna Madaxa Hay’adda UNICEF ee Dalka Marwo Wafaa Siciid.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa ka soo qeyb galay xafladda, waxaana ka mid ahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, NGO-yada Caalamiga ah, Ururada Bulshada Rayidka, Bahda Waxbarashada, iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay.