U bood dhigaalka

Shirka Hey’adaha Garsoorka oo Maalintii Labaad Ka Socda Magaalada Kismaayo

Waxaa maalintii labaad galay shir ku saabsan hoggaaminta wax ku oolka ah hoggaanka sare ee bahda Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya oo shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo.

Dhammaan madaxda sare ee bahda cadaaladda ee shalay ka qeyb-galay furitaankii shirka, oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS Xasan Macalin Maxamuud, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud iyo masuuliyiinta Cadaaladda iyo Garsoorka ee dowlad goboleedyada dalka ayaa ku sugan hoolka shirku ka socdo.

Madasha hoggaaminta wax ku oolka ah ayaa hoggaanka sare ee bahda cadaaladdu waxay ku kororsanayaan aqoon la xariirta fahamka guud ee hoggaaminta wax ku oolka ah, xirfadaha lagama maarkaanka u ah hoggaaminta iyo wada-shaqeynta hey’adaha.